RW Xamse oo kulamo ka wada maraykanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula yeeshay madasha shirka Qaramada Midoobay ee New York, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Raiisal wasaaraha.
Raiisal wasaraha Xukuumada Soomaaliya oo ku sugan maraykanka ayaa halkaas uga qayb galay shirka madasha shirka Qaramada Midoobay ee New York.