RW Xamse oo kusugan Dalka Masar ayaa booqday Machadka Cilmibaarista Caafimaadka Xoolaha ee Dalkaasi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa saaka lagu soo dhaweeyay Machadka Cilmibaarista Caafimaadka Xoolaha ee dalka Masar.

Iyada oo laga duulayo xaqiijinta hiigsiga isku filnaansho dhaqaale ee Xukuumadda #DanQaran ayaa Ra’iisul Wasaaruhu booqday Machadkan isaga oo dhiirigelinaya inay iskaashi la yeeshaan hey’adaha u igman faya-dhawrka caafimaadka xoolaha ee dalkeena.

Machadkan (AHRI) oo la aasaasay sanadkii 1904 ayaa waxa uu heer caalami ah kaga jiraa adeegyada iyo daraasaadka la xiriira faya-dhawrka xoolaha.