Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee dhinaca fikirka, taasi oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee in kooxa lagala dagaallamo 3 jiho oo kale ah dhaqaalaha, fikirka iyo dagaalka tooska ah ee ka socda gobolladda dalka.
Shirka ayaa lagu falanqeeyey qaabkii Alshabaab looga guuleysan lahaa dagaalka fikirka ah, iyadoo la adeegsanayo culimaa’udiinka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga la saarayo sidii wacyigalinta loo gaarsiin lahaa deegaannada dhawaan laga xoreeyey oo barnaamijka xasillinta loo dhinac wadi lahaa dagla dagaallanka fikirka xagjirka ah.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyey Alshabaab laga hirgaliyo goobo lagu soo bandhigayo caqiidada saxda ee Islaamka, isla markaana dadka looga wacyi galinayo fikirka khaldan ee ay kooxaha Khawaarijtu dadka u sheegayeen shan iyo tobankii sanno ee u danbeeyey.
