RW Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feseraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing.

Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda iyo Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika ayaa diiradda lagu saaray,

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay guulaha waawayn ee ay Soomaaliya xaqiijisay muddaddi la soo dhaafay, haddana loo diyaar garoobayo isbeddel mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba wax wayn ka bedeli doona.

Dhankiisa Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing ayaa sheegay in ay Soomaaliya mar walba garab taagan yihiin, haddana sii xoojin doonaan taageeradooda.