Ra’iisul wasaaraha XFS oo xarunta Akademiyadda Booliiska Generaal Kaahiye ka furay tababbarka Macallimiinta Qaran
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta Akademiyadda Booliiska Generaal Kaahiye ka daah-furay Xaflada Tababbarka saddex kun ee Macalimiinta Qaran oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare.
Macallimiintan tababbarka loo furay ayaa hore waxa tartan madaxbanaan ugu qaatay wasaaradda waxbarashadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya.
Xaflada ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashadda,wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda,taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Inta ay Xafladu socotay ayuu Ra’iisul wasaarahu kormeeray Salaan-sharafna ka qaatay Ciidan tababbar ugu jira Akademiyada Booliiska, kuna bogaadiyay shaqada Ciidanka Booliisku ay u hayaan ummadda Shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa Cabdi Barre oo Munaasabada ka jeediyey Khudbad Dhinacyo badan taabaneysa ayaa sheegay in Waxbarashadu ay qeyb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Waxuuna ku booriyay macallimiinta in ay soo saaraan, arday muslim ah oo aan is qarxineyn, Soomaali ah, qabyaalad aqoon, tuug ahayn, aqoon leh, oo caalamkana la falgali kara.
Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in iyadoon sannad jirin ay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23-kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo isugu jira Ciidan iyo Shaqaale.
“In qarashka dowladda lagu daro macallimiin gaaraysa 3,000 waxay ahayd arrin adag, Xukuumadda DanQaran iyadoon sannad joogin waxay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23 kun oo Soomaali ah, isuguna jira, 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS dhammaadka 2024 iyo 3kun oo Macallin”.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale ku celiyey in la banneeyo goobaha waxbarashada ee ay deggan yihiin shacabka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay ahmiyadda u siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada dalka, waxuuna ku adkeeyey in ay sii xoojiyaan dadaalkooda muhiim ah.
