Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u daah-furay madasha isku-duwidda qaybta beeraha, taas oo ay hirgelisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Madashan ayaa loogu talagalay xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqeynta barnaamijyada horumarinta beeraha ee dalka, iyadoo la qorsheynayo in la mideeyo dadaallada dowladda, hay’adaha horumarinta, iyo daneeyayaasha kale ee qeybta beeraha ka shaqeeya.
Madashan waxaa ka qayb qaadanaya wasaarado kala duwan iyo hay’ado caalami ah sida FAO iyo WFP. Waxaa la filayaa in madashu ay diiradda saarto qorsheynta iyo isku-duwidda dadaallada lagu kordhinayo wax-soo-saarka beeraha, iyadoo la xaqiijinayo sugnaanta cuntada, lana hirgelinayo qorshe mideysan oo lagu horumarinayo qaybta beeraha ee Soomaaliya.
Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in madashan ay fursad weyn u noqon doonto horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed, isla markaana ay ka hortagi doonto saameynta xun ee abaaraha iyo isbeddelka cimilada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo hubiyo in barnaamijyada horumarinta beeraha ay noqdaan kuwo waxtar leh oo la taaban karo.
Intaa waxaa dheer, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in qorshayaasha madashan ay taageerayaan dadaallada lagu xaqiijinayo adkeysiga beeraleyda, kor u qaadista wax-soo-saarka gudaha, iyo horumarinta dhaqaalaha miyiga. Wuxuu tilmaamay in madashu ay tahay talaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo sugnaanta cuntada, loona abuuro jawi wada-shaqeyn iyo is-afgarad dhexmara dowladda, beeraleyda, iyo hay’adaha horumarinta.
Madashan isku-duwidda beeraha ayaa la filayaa in ay horseed u noqoto hirgelinta barnaamijyo waara, kor u qaadista aqoonta beeraleyda, iyo dardargelinta horumarinta qaybta beeraha ee dalka, si loo gaaro mustaqbal ay Soomaaliya ku leedahay amni cunto iyo koboc dhaqaale oo joogto ah.