Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo uu wehelinayo Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah iyo ganacsato ka kala socota gudaha dalka iyo dibadda, ayaa kormeer ku sameeyay doomaha kalluumaysiga ee ku sugan Dekedda Muqdisho.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo wax-soo-saarka kalluunka Soomaaliyeed, dhiirrigelinta maalgashiga iyo ballaarinta suuqyada ganacsi ee dalka, gaar ahaan kuwa caalamiga ah, si looga faa’iidaysto khayraadka badda Soomaaliya.
Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal xooggan ugu jirto sidii kalluunka Soomaaliyeed iyo wax-soo-saarka kale ee dalka loogu heli lahaa suuqyo cusub oo caalami ah. Wuxuu tilmaamay in horumarinta suuqyadaas ay muhiim u tahay kobcinta dhaqaalaha, dhiirrigelinta ganacsiga iyo abuurista fursado shaqo oo ay ka faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda, ganacsatada iyo maalgashadayaasha, si loo horumariyo waaxda kalluumaysiga loona kordhiyo ka qaybqaadashadeeda dhaqaalaha dalka.
Soomaaliya waxay leedahay xeeb dheer iyo khayraad badeed oo muhiim u ah dhaqaalaha dalka, hase yeeshee horumarinta khayraadkaas waxay u baahan tahay maalgashi, qalab casri ah, suuqyo la isku halayn karo iyo fursado ay kalluumaysatadu ku gaarsiin karaan wax-soo-saarkooda gudaha iyo dibadda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta dhiirrigelinta maalgashiga iyo horumarinta wax-soo-saarka gudaha, iyadoo kalluumaysiga loo arko mid ka mid ah qaybaha kaalin ka qaadan kara kobaca dhaqaalaha, kordhinta dhoofinta iyo yaraynta shaqo la’aanta.
Sidoo kale, helitaanka suuqyo caalami ah ayaa fursad u abuuri kara ganacsatada Soomaaliyeed si ay u ballaariyaan hawlahooda, korna ugu qaadaan tayada iyo tirada kalluunka dalka laga soo saaro. Arrintan ayaa muhiim u noqon karta kobcinta dakhliga kalluumaysatada iyo ganacsiyada ku tiirsan khayraadka badda.
Kormeerka ay Saalax Axmed Jaamac iyo wafdigiisu ku tageen Dekedda Muqdisho ayaa muujinaya muhiimadda ay Xukuumadda DanQaran siinayso horumarinta kalluumaysiga iyo sidii khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya loogu beddeli lahaa fursado dhaqaale iyo shaqo-abuur.
Horumarinta waaxdan ayaa la filayaa inay door ka qaadato kobcinta dhaqaalaha dalka, haddii la helo maalgashi ku filan, kaabayaal dhaqaale oo wanaagsan iyo suuqyo u furan wax-soo-saarka kalluunka Soomaaliyeed.