Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isbitaalka ku booqday Ciidamada Difaaca Puntland ee ku dhaawacmay saaka iyagoo cashar lama illaawaan ah u dhigaya Argagixisada Daacish.
Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyey ciidanka isagoo faray Guddiga taakuleynta iyo daryeelka in ay si dhow ula socdaan xaaladooda, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Dowladda Puntland ay u guteen waajibkooda.




