Sacuudiga iyo Masar oo wadajir u tagaeeray ilaalinta Midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Kulan ay iskugu yimaadeen wasiirada Arimaha DIbadda ee dalalka Sacuudiga iyo Masar ayeey kaga wadahleen qoddoba ay ka mid ayihiin arimaha Soomaaliya.

Wasiirrada ayaa xaqiijiyeen in gebi ahaanba la diiday tallaabooyin kasta oo hal dhinac ah ah oo taabanaya madax-bannaanida Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsiga Israa’iil ee Soomaliland. Taas oo xadgudub bareer ah ku ah beey yiraahdeen mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo heshiiska Qaramada Midoobay, isla markaana wiiqaya aasaaska nabadda iyo amniga gobolkaas muhiimka ah.

Dhinacyadu waxay ku nuuxnuuxsadeen mowqifka adag ee Masar iyo Sucuudiga ee ay ku taageerayaan midnimada, madaxbannaanida iyo amniga dhulka Soomaaliyeed, waxayna kasoo hor jeesteen isku dayo kasta oo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Soomaaliya ama lagu nusqaamiyo dawladnimadeeda.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arimo ay kamid yihiin Marinka Gaza iyo Yemen.