Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday mamnuucida dadka dibedda ah in ay soo xajiyaan sannadkan sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay boqortooyadda Sacuudiga.
Boqortooyadda ayaa sheegtay in sababta ay tahay sidii looga hortagi lahaa in Cudurka Corona virus uu si weyn ug faafo Boqortooyadda.
“Kaliya tiro aad u kooban oo hadda ku nool boqortooyada ayaa kaqeyb gudan doonta waajibaadkaas” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.
Waqtiyada caadiga ah ee Xajka ayaa ka mid ah waqtiyada ugu muhimsan jadwalka taariikhda diinta Islaamka. Laakiin kaliya muwaaddiniinta ka kala socota dalalka adduunka ee horeyba u degganaa Sucuudiga ayaa loo oggolaan doonaa inay ka soo qeyb galaan sannadkan.
Tiradda dadka ku sugan Sacuudiga ee aan u dhalan dalkaasi ayaa lagu qiyaasay 2 Milyan oo ruux waxaana ay sanadkaan ka qeyb qadan doonaan waajibaadka Xajka.
Waxaa jirtay cabsi laga qabay in Xajka gebi ahaanba la baajiyo.
Sacuudi Carabiya waxay diiwaangelisay 161,005 xaaladood oo cudurka Karoona ah iyo 1,307 dhimasho ah.