Saddex Qof Oo Ku Dhimatay Gaari La Jiirsiiyay Dad Ku Sugnaa Magaalo Ku Taalla Jarmalka

Booliiska Jarmalka ayaa sheegay in gaari la jiirsiiyay goob ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla waqooyi galbeed magaalada Muenster, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof.

Dhacdadan ayaa loola tacaamulay sida weerar oo kale, balse wali lama xaqiijin inay ahayd iyo in kale weerar argagixiso.

Booliiska ayaa sheegay in gaari loo kaxeeyay dhanka goob laamiga dhinaceeda ah oo ku taalla bartamaha Muenster.

Gaarigan ayaa dhex jiiray dad badan oo adeeganayay, miisas iyo kuraas yaalay banaanka maqaayad halkaasi ku taallay.

Ugu yaraan 30 qof ayaa la dhaawacay, iyada oo booliiskuna ay sheegeen in lix ka mid ah dadkaasi ay dhaawacyadoodu halis yihin.

Darawalkii waday gaariga ayaa is dilay. Booliiskuna ma aysan shaacin sababta ka dambeysay inuu is dilo ninkaasi, balse weerarka ayaa kusoo beegmaya kaddib sanad markii rag hubeysan oo islaamiyiin ah ay gaari jiirsiiyeen meel dad badan ay ku sugnaayeen oo banaanka ka ah goob allaabo lagu iibiyo, waxa ayna halkaasi ku dileen shan qof.

Weerarkaasi ayaa waxaa qirtay inuu ka dambeeyay nin magaciisa ku sheegay Uzbek oo ahaa magangalya doon ku sugnaa Jermalka. Haatan waxaa lagu maxkamadeynayaa Jarmalka.