Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya saddex rag ah lagu dilay xaafadda SS-ta ee waaxda Owdweyne, degmada Dayniile.
Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyay in Dilkan in ay fuliyeen koox ku hubeysan bastoolado oo falka ka dib goobta ka baxsaday.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga la dilay ay ahaayeen ganacsato, kuwaas oo loo dilay kadib markii ay goobahooda ganacsi ku xireen kaamirooyinka CCTV.
Ilaa iyo hadda, lama oga sababta rasmiga ah dilkaan iyo cida ka dambeysa, hase yeeshee ciidamada amniga ee degmada Dayniile ayaa wada howlgallo.
Ammaanka degmada Dayniile ayaa shacabka walaac ka muujinayaan, iyadoo laba habeen kahor xaafadda Warlaliska lagu dilay qof shacab ah.
Wararkii ugu dambeeyey ee inaga soo gaaraya halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in xaaladda ay deggan tahay, isla markaasna ay ciidamada amniga howlgallo wadaan.