Sadiiq Khaan oo markale ku guulaystay Doorashada Duqa Magaalada London

Sadiiq Aman Khaan oo ah Duqa Magaalada London ayaa la shaaciyay in uu markale ku guulaystay xilkaas kaddib markii si hordhac ah loogu dhawaaqay natiijada kasoo baxday doorashada ka dhacday Magaaladaas.

Ninkaan Ku dhashay Koofurta Magaalada London ayaa xilkaan qabtay sanadkii 2016kii waxaana uu isbaddel wayn oo dadku aad ula riyaaqeen uu ka hirgeliyay Magaaladaas oo dhanka kale ah xarunta Boqortooyada Ingiriiska.

Dad badan ayaa u arkay dib u doorashadiisa in ay sabab u tahay isku dhex wadista bulshooyinka kala duwan ee ku nool Dalkaas iyo in uu meesha ka saaray waxyaabihii ay ka cabanayeen Dadka uu duqa magaalada u yahay ee horay u taagnaa.

Sadiiq ayaa u mahadceliyay Dadkii u codeeyay waxaana uu sheegay in markale uu dhexda u xiran doonno waxyaabaha ay ka eeganayaan Dadkaas ee sababta u ah in uu mar saddexaad uu noqdo Duqa Magaalada London.