Warar soo baxay ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto Safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay Magaalada Kyiv ee Xarunta Dalka Ukraine kaddib markii digniin degdeg ah la gaarsiiyay howlwadeennadii ka shaqeynayay.
Qoraal lasoo saaray ayaa lagu wargeliyay xubnaha ka shaqeeya Safaaradda Maraykanka in maanta uu ku wajahan yahay weerar loo adeegsadayo Diyaarad inkasta oo aan la sheegin cidda beegsigaan sameyneysa iyo nooceeda.
Markii uu warkaan soo baxay waxaa durba indhaha loo wada jeediyay dhinaca Ruushka oo dagaal adag kala dhaxeeya Maraykanka iyo Yukrayn, ma jiro war kasoo baxay Kyiv & Moscow oo ay uga hadlayaan arrintaan cabsida badan dhalisay.