Safaaradda Mareykanka Ku Lahaa Tunisia Oo laxiray

Hadal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ku leedahay caasimadda dalka Tunisia ee Tunis ayaa lagu sheegay inay Safaaraddu maanta xirnaan doonto, marka laga reebo Adeegyadda Degdega ah.

Safaaraddu waxay kaloo sheegtay in sababo dhanka Ammaanka darteeda maanta loo xiray Safaaradda.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay, kadib, markii ay 2 weerar oo Isqarxin ah ay Khamiistii la soo dhaafay ka dhaceen meel ku dhow Safaaradda Faransiiska ku leeyahay magaalladda Tunis.

Kooxda Daacish ayaana sheegatay mas’uuliyadda Is-qarxintaasi, oo uu hal Sarkaal Bolis ku geeriyooday, 8 kalena ku dhaawacmeen.