Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ferhat Alkan, ayaa markii ugu horreysay waraaqihiisa aqoonsiga danjiranimo ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.
Safiirka ayaa kulan la qaatay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali Nadaara, iyadoo kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga siyaasadeed, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee labada dal ay danaha wadaagaan.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo labada dhinac ay muujinayaan sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka labada dal.
Safiirka Ferhat Alkan ayaa Soomaaliya ka bilaabaya waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, iyadoo dowladda Soomaaliya ay soo dhoweysay wakiilka cusub ee Turkiga iyo dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay lahaa iskaashi ballaaran oo ku saabsan arrimo kala duwan, waxaana xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay iskaashi diblomaasiyadeed iyo dano ay labada dhinac wadaagaan.