Ilyaas Cali Xasan Safiirka Soomaaliya ee Tanzania ayaa shirka kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin horumarka ka jira dalka iyo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay inay fuliso heshiisyada ay lagashay dalalka ku mideysan Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed caqabado ka hestaan dhanka isku socodka wadamada xubnaha ka ah EAC, taasna ay dooneyso Dowladda Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan meesha uga baxdo maadaama dadka Soomaaliyeed ganacsiyo badan ku leeyihiin dhamaan dalalka ku bahoobay Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Safiir Ilyaas ayaa yiri “Dhamaan dalalka EAC waa inay qaadaan xayiraadaha fiisaha iyo caqabadaha safarka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, si loo ilaaliyo sinnaanta iyo midnimada gobolka”.




