Safiirka Imaaraadka Oo Faah-Faahiyay Halka Ay Ku Socotay Lacagtii Lagu Qabtay Garoonka Muqdisho.

Maxamed Axmed Cusmaan Alhammadi oo ah Safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya ayaa si faah-faahsan uga hadlay Lacag Boorsooyin ku jirtay oo shaly Hay”adaha amaanka Soomaaliya ay ku qabteen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka gadaal markii ay soo caga dhigatay diyaarad ka timid Imaaraadka oo  siday Lacagtaas.

Safiirka Imaaraadka waxa uu sheegay Lacagtaas in aysan ahayn mid sigaar ah ugu socotay Safaaradooda Mudisho,Hase”ahaatee loo waday Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Lacagtaan oo kor u dhaafaysay 9.6 Milyan oo doolar ayaa Safiirku waxa uu cadeeyay in lagu bixin lahaa Mushaaraadka Ciidamada Imaaraadku ay tababaraan Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho iyo Garoowe oo ka tirsan Maamulka Puntland

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Lagactaan ka timid Imaaraadka ee ku jirtay Boorsooyinka,Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in loo wareejiyay Bangiga dhexe isla markaana ay ku socdaan baaritaano ku aadan halka loo weday Shakhsiyaadka ku lugta leh iyo u jeedada laga lahaa.