Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Liibiya Cabdi Aadan Diiriye ayaa kasoo muuqday warbaahinta isaggoo xiran dhar u muuqda kuwa dhaqameedka dalkaasi, xilli laga guddoomayay warqadaha aqoonsiga danjirannimo.
Danjire Diiriye ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay arrintaan, iyadoo dad badan oo ka fal-celiyay ay sheegeen in ugu yaraan ay aheyd inuu xirto dharka dhaqan ee dalka uu metelayo ee Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya ee Liibiya ayaa waxaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay madaxweynaha golaha Madaxtooyadada Liibiya Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi.