Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey oo eedayn ujeediyay Itoobiya..

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay si sharci darro ah ku soo galeen xuduudka ay wadaagaan, taasi oo keentay in ay iska hor yimaadaan ciidamada ammaanka ee deegaanka. 

Ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab oo ka talisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. 

Illaa 5,000-7,000 oo askari oo kale oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan dhowr gobol, ayaga oo ku jooga heshiis ka baxsan ATMIS. 

Ciidamada Itoobiya iyo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaan weli jawaab ka bixin arrintan. 

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in ‘dhacdooyinka’ Itoobiya ay ku qasabtay dalkiisa inuu dib u dhigo bixitaanka xigay ee ciidamada ATMIS ee bisha Luulyo oo hadda loo riixay September. 

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday bishii Janaayo ee sanadkan kadib markii Addis-Ababa ay heshiis badeed la gashay maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya. 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah. 

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM.