Safiirkii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudi Carabiya oo sheegay nuu iscalisay, sababta waa amxay?

Safiirkii dowladda Soomaaliya u fadhiyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amb Saalim Macow Xaaji ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii safiirnimo, kaddib markii loola dhaqmay si ka baxsan anshaxa diblumaasiyadda.

Safiirka ayaa sheegay in si baal-marsan curfiga diplumaasiyadda caalamka looga reebay in uu ka qeybgalo shirkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga..

Amb. Saalim ayaa ku eedeeyay Madaxa hab maamuuska Madaxweynaha,Hinda Culusow inay si xun ula dhaqantay ayna u geysatay aflagaado , waxa uuna xusay in arrintaasi u gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda balse ka gaabsaday wax ka qabashada xad-gudubka Hinda kula dhaqantay.

Waxa uu sidoo kale safiirka sheegay in loo diiday la kulanka iyo aragtida madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxanuud, waxa uuna xusay in dadka kale loo oggolaanay in madaxweynaha u galaan ayna si caadi ah u arkaan, balse isaga laga hor istaagay.

Xogo lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in booskii safiirka ee ka qeybgalka shirkii Sacuudiga lagu bedelay gabadh uu dhalay madaxweyne Xasan Sheekh oo kamid ah xogheynnadiisa gaarka ah , waxaana kaarkii safiirka shirka uga qeyb gali lahaa la siiyay gabadha madaxweynaha..