Safiirkii Somaaliya Ufadhiyay Kenya Oo Soo Gaaray Muqdisho

Magalada Muqdisho waxaa Maanta dib ugu soo laabtay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Ambasaddor Maxamuud Axmed Nuur  Tarsan oo dhowr bilood ka hor loo Magacaabay xilka Safiirnimo.

Safarkaan oo ahaa mid deg deg ah ayaa yimid kadib markii Dowladda Kenya ay xalay ku wargelisay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya in uu isaga baxo dalkeeda,sidoo kalena u yeertay safiirkeedii u joogay Soomaaliya.

Diyaaradda siday Safiir Tarsan oo ka soo duushay Magalada Nairobi  ayaa sidoo kale waxaa saarnaa Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmahaan halkaasi ku sugneyd iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,iyaga oo sinabad ah ku yimid Magalada Muqdisho.

Sababaha dowladda Kenya ay ugu yeertay safiirkeedii u joogay Soomaaliya kuna amartay in Safiir tarsan uga baxo dalkeeda ayey ku sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xad gudubtay xaduud badeedkeeda,isla markaana ay suuq geysay qeyb ka mid ah badeeda si shidaal looga baaro.