Salah Oo Hogaanka Ku Dhagay, CR7 & Icardi Oo Soo Talaabsaday & Sida Loo Kala Sareeyo Tartanka Gooldhalinta Qaaradda Yurub “Golden Shoe”

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa si geesinimo leh ugu dhagay hogaanka tartanka loogu jiro abaalmarinta Golden Shoe ee la siiyo xiddiga hela dhibcaha ugu badan goolasha laga dhaliyo horyaalada yurub.

Xidiga reer Masar afar gool ayuu dhaliyay isbuucaan kulamada horyaalka isagoo la mid ah Cristiano Ronaldo & Mauro Icardi oo sidoo kale sameeyay, balse goolashiisa waxey ka saacideen inuu Lionel Messi dhaafo isla markaana kali ku noqdo hogaanka Golden Shoe.

28-gool ayuu dhaliyay taasoo ka dhigan inuu ku helay 56-dhibcood, maadaama xuquuq ahaan horyaalka Premier League uu leeyahay 2-dhibcood halkii gool, Lionel Messi ayaa kusoo xiga kaas oo 25-gool dhaliyay kulamada La Liga wuxuuna heystaa 50-dhibcood.

Afar ciyaartoy ayaa leh min 24-gool, waana Cavani, Harry Kane & Ciro Immobile, kuwaas oo dhamaantood wada leh48-dhibcood.

Mauro Icardi iyo Cristiano Ronaldo ayaa talaabooyin dhaadheer usoo qaaday liiska, kadib markii ay dhaliyeen min 4-gool, 22-gool ayeyna yimaadeen si wadajir ah tartanka loogu jiro gooldhalinta horyaaladooda, mid walbana waa kan labaad.

Liiskaan waxey kaga jiraan meel hoose maadama ay 6-gool ka hooseyaan Mohamed Salah oo hogaanka ku dhagan.

SIDA LOO KALA SAREEYO:

1. Mohamed Salah (Liverpool): 28 goals x 2 = 56-dhibcood

2. Lionel Messi (Barcelona): 25 goals x 2 = 50-dhibcood

3. Edinson Cavani (PSG): 24 goals x 2 = 48-dhibcood

4. Ciro Immobile (Lazio): 24 goals x 2 = 48-dhibcood

5. Harry Kane (Tottenham): 24 goals x 2 = 48-dhibcood

6. Jonas (Benfica): 31 goals x 1.5 = 46.5-dhibcood

7. Robert Lewandowski (Bayern Munich): 23 goals x 2 = 46-dhibcood

8. Cristiano Ronaldo (Real Madrid): 22 goals x 2 = 44-dhibcood

9. Mauro Icardi (Inter Milan): 22 goals x 2 = 44-dhibcood

10. Sergio Aguero (Manchester City): 21 goals x 2 = 42-dhibcood