Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Md. Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku yimid maantay xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS.
Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu ahaa sidii uu ugu kuur-gali lahaa habsami u socodka howlaha Wasaaradda iyo qiimeynta waxqabadka Wasaaradda labadii sano ee lasoo dhaafay.
Wasiirka Wasaaradda oo xarunta Wasaaradda kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa warbixin kooban ka siiyay halka ay howlaha Wasaaradda maraayaan.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa warbixino faahfaahsan ka dhageystay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta oo ka warbixisay waxqabadka Wasaaradda labadii sano ee lasoo dhaafay iyo qorsheyaasha Wasaaradda ee 5ta sano ee soo socota ayadoo lagu saleynaayo qorshaha isbedelka Qaranka.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Wasaaradda oo dhinaciisa ka warbixiyay nidaamka digitalka ah ee lagu maareynaayo howlaha maalinlaha ah ee Wasaaradda.
Mr Saalax Axmed Jaamac payaa bogaadiyay waxqabadka Wasaaradda asagoo dhanka kale balanqaaday in Wasaaradda uu kala shaqeyn doono sidii loo xaqiijin lahaa qorsheyaasha Wasaaradda.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka iyo Wasiirka Wasaaradda ayaa si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay xarunta Wasaaradda ayagoo ka warbixiyay ujeeddada kormeerka Ra’iisul Wasaaraha iyo waxyaabihii kasoo baxay kulanka.
Wuxuuna Ra’iisul Wasaare ku xigeenku fariin bogaadin iyo dhiirrigelin u diray Dhallinyarada Soomaaliyeed asagoo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan dib u dhiska dalka.