Saldhiggii ugu weynaa Kooxda Al-Shabaab oo la duqeeyay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa lasoo wariyay in lala eegtay saldhiggii ugu weynaa Al-Shabaab ee gobollaasi, kaas oo ku yaalla degmada Galhareeri.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntaasi lala beegsaday saldhigga Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen xubno badan.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Galhareeri ayaa kamid ah magaalooyinka ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana kusii jeeda cidamada huwanta ee howlgallada ka wada Galmudug.