Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan is-xog wareysi ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubbaland, Maamulka Gobolka Gado iyo Kan degmada Doolow.
Kulankan ayuu Madaxweyne ku-xigeenku is-xog-wareysi kula yeeshay Maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Doolow oo uu ka dhageystay aragtiyahooda ku aadan Dowladnimada iyo Midnimada bulshada.
na