Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladaha ka jira halkaasi, gaar ahaan isbaarooyinka iyo dagaallada beeleedyada.
Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaadahy in haatan wixii ka dambeeyay aysan dowladdu aqbali doonin in isbaaro la dhigto deegaanada HirShabelle oo ah meelaha ugu daran.
Intaas kadib taliyaha hay’adda NISA ayaa soo hadal arrimaha dagaal beeleedyada ee kusoo laa laabtay gobolka oo haatan xallintooda u tegay degmada Aadan Yabaal.
Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa nasiib darro ku tilmaamay colaadda haatan ka taagan halkaais, taas oo saameyn ku yeelatay deegaanka.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Annaga hal col ayaa noo yaallo ee annaga col iskuma lihin saan aaminsanahay waayay, haddana kaas mar kale ayaan ka hadleynaa”.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka iyo waxgaradka deegaanka inay xoojiyaan nabad-gelyada, ayna la shaqeeyaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.