Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanboloolshe) ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Sanbaloolshe oo Ugaaska booqasho ugu tagay ayaa hambalyo kadib kala hadlay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hawlaha nabadeynta, dib u heshiisiinta bulshada iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha oo dul istaagay sida ay shacabku ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka ayaa Ugaaska ka codsaday in uu dowladda ku garab siiyo dardar-gelinta dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo guud ahaan dalka.
Sanbaloolshe ayaa tan iyo markii loo magacaabay hoggaanka cusub ee hay’adda NISA waxa uu laba jeer ku laabtay gobolka Hiiraan, ayada oo sababta ugu weyn ee safaradiisu tahay raadinta inuu reerkiisa ku qanciyo inay dib u bilaaban gulufkii ka dhanka ahaa argagixisada.
Reer Hiiraan, gaar ahaan beesha uu ka dhashay Taliye Sanbaloolshe ayaa haysta diiwan ammaan mudan marka laga hadlayo sida ay ula dirireen argagixisada, ugana saareen inta badan deegaanadooda.
Xawaadle ayaa kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee sida weyn u qadariya dhaqanka, waxayna caan ku yihiin inay ka dambeeyaan, taladana ka qaataan ugaaska.