Sanbaloolshe oo maanta loo magacaabay agaasimaha NISA.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA oo loo magacaavay Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hadda ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Magacaabista Sanbloolshe ayaa timid kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, taasi oo ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa uga mahad-celiyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

Mahad Salaad ayaa xilkan iska casilay, wuxuuna u hanqal taagayaa hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo ka qayb-geli doono doorashada soo socota ee Galmudug.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah.