Saraakiil Ay Soomaali Ku Jiraan Oo Tababar Loogu Soo Xiray Dalka Sudan

Magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan ayaa lagu qabtay munaasbaada ballaaran oo tababar loogu soo xirayay dhalinyaro Leyli tababara Leyli Saraakiil ah in muddo ah lagu barayay Dalkaasi Suudaan.

Waxaa ka qeybgalay munaasabadaasi madaxweynaah Dalka Suudaan Cuymar Xasan Albshiir,kumanaan Soomaalida kunool Dalkaasi Suudaan iyo madax kale.

Saraakiisha dhalinyarada ah ayaa dalka suudaan wax ku baranayaya muddo ku siman 2 sano,iyagoo bartay sharciga iyo Qaanuunka.

Cumar Xasan Axmed oo kamid ah saraakiishaasi tababarka loo soo xiray ayaa galay kaalinta koowaad ee mudadii uu socday tababarkaasi,iyadoo madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir uu bilada sharaf guddoonsiyay guuleystaha kaalinta koowaad galay ee Omar Hassan Ahmed.