Saraakiil Cadaan ah oo baaraya Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliya ee sida gaarka ah loogu tababaray Baarista Qaraxyada ayaa ku hawlan Baarista Qaraxii shalay ka dhacay ka soo horjeedka Hotelka Wehliye ee ku yaalla wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iy Sayidka.

Saraakiil Cadaan ah oo Booliska qaybta Baaritaanada ka caawiya ayaa sidoo kale qayb ka ah hawsha Baarista ah ee socota, maadaama Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu laamaha ammaanka faray in ay warbixin deg deg ah ka keenaan qaraxaasi oo ay ku dhinteen dad shacab ah.

Ciidamada Booliska ayaa shalay gelinkii dambe la arkayay iyaga oo tagay goobtii uu qaraxa ka dhacay, kadibna calaamadeeyay agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay iyo in ay qaateen aaladaha yar yar ee biraha ah halkaasi yaallay, kana dhashay qaraxa.

Sidoo kale saraakiisha khubarada ah ee baaritaankan horkacayay ayaa la arkayay iyaga oo su’aalo ka weydiinaya arrintan shacabkii halkaasi ku sugnaa iyo Ciidamadii halkaasi ka akdhowaa.

Baaritaankaan oo ah mid caalami ah oo la mid ah midka aduunka lagu baaro Qaraxyada noocaan oo kale ah, ayaa Booliska wuxuu weli ku guda jiraa cadeynta sida ay wax ku dhaceen.

Arintan baarista ah ee socota, ayaa looga gol leeyahay in lagu cadeeyo cida leh masuuliyadda dhimashada iyo dhaawaca goobtaasi ka dhashay, maadaama wadooyinka ay yaalaan baro Kontorool oo lagu baaro Gaadiidka iyo Mootooyinka Bajaajta, la isna weydiinayo sida uu ku soo gudbay gaarigan.

Baaritaanka Booliska ay wadaan ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyadoo la sugayo natiijada baaristaasi ka dhalata, maadaama la shaacin doono cida leh masuuliyadda dhibaatadii dhacday.