Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/dhexe Xasan Salaax Cabdi, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga, halkaas oo uu kulamo muhiim ah kula yeeshay saraakiisha sare ee ciidanka Turkiga.
Booqashada ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo G/dhexe Xasan Salaax uu si gaar ah u booqday taliska ciidanka gaarka ah ee Turkiga iyo warshadda caanka ah ee Aselsan oo hormuud u ah soo saarista qalabka casriga ah ee ciidamada.
Taliyaha ayaa halkaas kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Turkiga, S/gaas Ömer Ertuğrul Erbakan, waxayna kawada hadleen xoojinta iskaashiga labada ciidan iyo sare u qaadidda taageerada ay ciidamada Turkiga siiyaan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya.
Kulankan muhiimka ah ayaa muujinaya xiriirka sii kobcaya ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashigan milatari ayaa si toos ah uga qayb qaadanayo xoojinta amniga iyo tababarka ciidamadda Soomaaliyeed.




