Saraakiil Ciidan Oo Gaaray Gobolka Mudug..

Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle sare   Cabdi Salad Cali iyo saraakiil kale ayaa kormeeray ciidamo ka tirsan guutada 27-ad ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo lu sugan Farumaha dagaalka ee gobolka Mudug .

Taliyaha  ayaa faray ciidamada in ay  laba jibaaraan waa jibaadkooda qaran si loo soo gaba gabeeyo  Wejiga koowaad Hawlgallada ka dhan ah Alshabaab  ee ka socda Koofurta Gobolka Mudug.

Ciidamadan ayaa qayb ka ah Ciidanka xoogga dalka ee furmaha koofurta Gobolka Mudug kula dagaalamaya Alshabaab  kua dagaalamaya halkaas .

Taliyaha ayaa Ugu dambeeyntii lu aamanay Ciidankaan  Sida Ugu  diyaarsanyihiin  howlgallada guud ahaan dalka looga saarayo Alshabaab.