Saraakiil ciidan oo kasoo muuqdey furimaha dagaalka.

 Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa gaaray deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo ciidamada qaranka ku amaanay sida ay ugu jilib dhigeen cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihii saakay cashirka loogu dhigay Khawaarijta, waxayna saraakiisha iyo ciidanka sii baacsanaya Khawaarijta naf la caariga ah ku dhiirigeliyeen jihaadka xaqa ah oo ay ku jiraan.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goor sii horeysay faahfaahin ka soo saaray weerarkii tooska ahaa ee shalay ay Shabaab kula jarmaadeen taliskii ciidamada isku dhafka ah ee dowladda ay ku la haayeen deegaanka Busley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Weerar qaraxyo ku billowday ayey kooxda Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin dhowr deegaan oo hoos taga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas waxaa ka dhacay dagaal culus oo Shabaab khasaare culus lagu gaarsiiyey, sidoo kale dowladda looga dilay askar iyo saraakiil.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka hortageen ciidanka milatariga oo kaashanaya kuwa boolis milataaro oo iyana qayb ka ah howlgallada ka socda halkaasi.

“Geesiyaasha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan guutada 22-aad eeBolisya milatare oo u diyaarsanaa weerarka khawaarijta ayaa iska caabiyay maleeshiyaadkii  weerarka  Nafla-caarinimada  ah ku soo qaaday deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki ee hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay taliska.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in khasaaraha gaaray Al-Shabaab uu tiro beel yahay, balse ay soo bandhigi doonaan xogta rasmiga ah ee waxyeelada gaartay.