Saraakiil Ciidan Oo ladalacsiiyay

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo darajooyin u xir

Dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ee la siiyay darajooyinka Sarkaalnimo ayaa waxay dhowaan kusoo biireen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Dhulka  ee Xooga Dalka, S/Guuto; Odowaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyaasha Caafimaad in ay aqoontooda wax ugu qabtaan Ciidanka.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka S/gaas; Cabdi Xasan Maxamed, ayaa kula dardaarmay Xubnaha darajada la siiyay in ay u diyaargaroobaan Shaqo adag maaddaama uu Ciidanka Xoogga Dalku ku jiro Dagaal.

Bishii December  ee Sanadkii Tagay ayey ahayd markii ugu horreysey ee ay si rasmi ah u shaqo billaabeen kooxdan ka kooban Dhaqaatiitar iyo Kalkaaliyaasha Caafimaadka.