Saraakiil Garaay deegaano ay colaado kasoo cusboonaadeen.

Taliska Ciidanka Booliska Dowlad-goboleedka HirShabeelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku guuleystay in uu qaboojiyo dagaal beeleedkii ka taagna xuduuda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad-goboledka HirShabeelle G/Sare Xasan Dhicisow Xasan iyo wafdi culus oo labada gobol ah oo muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaanada hoosyimaado degmada Jalalaqsi iyo degmada Ceel-baraf ayaa ku guuleystay in hadda la joojiyo colaadii u dhaxeysay deeganada labada deegaan.

Sidoo kale waxaa la kala qaaday ciidamadii isku horfadhiyay dhul beereedkaasi, ayada oo la kala dhex dhigay ciidamo suga amniga deegaanada lagu diriray ee Jalalaqsi iyo Ceel-baraf.

Waxaa loo balansan yahay gogol nabadeed oo dib u heshiisiin, si colaadda deegaanadaasi mudada ka taagneyd si rasmi ah loogu soo afjaro.

Maamulka HirShabeelle ayaa maalmo ka hor ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab hurinta dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.