Saraakiil Imaaraad ah oo ku xayiran Garoonka Magaalada Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Diyaarad qaadi lahayd Tababarayaal Ciidan oo u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta ay ku xayiran tahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Arrintan waxaa ay timid kaddib markii Diyaaradda ay soo caga dhigatay si ay u qaado Saraakiisha Ciidanka Imaaraadka ee tababarka siiya kuwa Puntland kuwaas oo sugnaa Puntland.

Hayeeshee Ciidamada amaanka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ayaa waxaa ay damceen in ay baaritaan ku sameeyaan Boorsooyinka ay wataan saraakiisha ka baxayay Puntland ee Dhinaca Imaaraadka ku wajahnaa.

Tababarayaasha Ciidanka ee u dhashay Imaaraadk ayaa diiday in la baaro Boorsooyinka ay wataan waxaana ay dalbadeen in toos diyaaradda Garoonka ku jirta ay ula tagaan.

Taas waxaa iyaguna diiday Saraakiisha qaabilsan AMniga Garoonka Diyaaradaha Boosaaso,waxaana hadda halkaas ka taagan is fahamwaaga labada dhibac iyada oo diyaaradda ay wali ku jirto Garoonka Saraakiisha Imaaraadkuna diideen in Boorsooyinkooda la baaro.