Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaas oo u ambabaxaya magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo ay ku qaadan doonaan tababarro la xiriira howlaha ciidanka iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqo.
Saraakiishan ayaa noqonaysa dufcaddii labaad ee muddo kooban gudaheed dalka Masar loogu diro tababar, iyadoo tallaabadan qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ku doonayo dib-u-habeyn, tayeyn iyo kor u qaadista awoodda saraakiisha iyo ciidamada.
Xafladda sagootinta ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaas oo saraakiisha kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursadda tababarka, isla markaana aqoonta iyo khibradaha ay ka kororsadaan dalka Masar dib ugu soo celiyaan ciidanka iyo dalka.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa saraakiisha u jeediyay dardaaran ku aaddan muhiimadda tababarka ay u aadayaan dalka Masar. Taliyaha ayaa faray saraakiisha inay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda ay heleen, ayna muujiyaan anshax, dadaal iyo masuuliyad inta ay ku guda jiraan tababarkooda.
Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sidoo kale tilmaamay in tayeynta ciidamada iyo kor u qaadista aqoonta saraakiisha ay muhiim u tahay dhismaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo leh awood iyo xirfad sare.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyadoo la filayo in saraakiisha ay ka faa’iideystaan khibradaha iyo casharrada ay ka helaan tababarka, kadibna ay aqoontooda ugu adeegaan hay’adda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal dib-u-habeyn iyo tayeyn ah oo lagu horumarinayo qaab-dhismeedka ciidanka, sare loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, isla markaana lagu xoojinayo habka loo maareeyo howlaha asluubta iyo xabsiyada dalka.
Dufcaddan saraakiisha ah ayaa noqonaysa qaybtii labaad ee muddo kooban gudaheed loo diro dalka Masar, taasoo muujinaysa dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo tababarada ay helayaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Masuuliyiinta Ciidanka Asluubta ayaa rajeynaya in saraakiisha tababarka u aadeysa Qaahira ay kusoo laaban doonaan aqoon iyo khibrad dheeraad ah, taas oo gacan ka geysan doonta qorshaha dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.