Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saarayay sare u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo awoodda hoggaamineed ee saraakiisha.

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktriinka, Jeneraal Axmed Ciise Axmed.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka qeyb galay Taliyaha Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-Somalia), Brigadier General Elio Manes, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ayaa tababarka ku qaatay Dugsiga Tababarka S/Guuto Dhagabadan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu siiyay casharro iyo tababbarro la xiriira hoggaaminta ciidanka, maamulka iyo qorsheynta hawlgallada, iyo sidii ay si hufan ugu gudan lahaayeen waajibaadka loo igmaday.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan sare u qaadista awoodda saraakiisha iyo horumarinta aqoonta ay u baahan yihiin si ay u hoggaamiyaan cutubyada kala duwan ee ciidanka.

Intii uu socday tababarka, saraakiisha ayaa fursad u helay inay kororsadaan aqoon iyo khibrad cusub oo la xiriirta howlaha ciidan, hoggaaminta iyo qorsheynta, taas oo muhiim u ah dhismaha ciidan leh karti, nidaam iyo hoggaan wanaagsan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan aqoonta iyo xirfadaha ay ka kororsadeen tababarka, isla markaana ay ku dabaqaan waajibaadkooda shaqo.

Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in saraakiishu ay ilaaliyaan anshaxa iyo nidaamka ciidanka, isla markaana ay door muuqda ka qaataan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo awood u leh gudashada waajibaadka qaran.

Xiritaanka tababarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo tayada iyo awoodda ciidamada dalka, iyadoo tababarrada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin horumarinta aqoonta iyo xirfadda saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed.