Saraakiil u tagay Caabudwaaq Xalinta Ciidan Mushaar la’aan ka gadooday

Kadib markii uu maanta muqaal cabashada lagu baahiyay baraha internet ka oo kusabsanaa askar mudo mushaar la’aan ka gadoodsan oo kusugan magalada caabudwaaq ayaa isla caawa waxaa cabashadodi kasoo falceliyay masuuliyiinta talisyada booliska galmudug iyo kan federalka.

Wafdi balaran oo kakooban sarakiisha ugu saraysa taliska booliska Galmudug oo dhacdadan xalkeeda usocday ayaa caawa soo gaaray magalada Caabudwaaq .

Sarakiishan oo isla caawaba lakulmay askartii ka gadoodsaneed mushaar la’aanta mudada dheer heysatey ayaa ushegeen in ay xaquuqdoodi heli doonan saacadaha sosocda , ayagana looga baahan yahay inay halkeedii kasii wadaan shaqadii ay bulshada hayeen.