Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan ciidanka dhulka XDS oo loo soo xiray tababar lagu barayay isticmaalka hubka culus.
Taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed Gen. Maadeey Shekh Nuur Ufuroow oo uu wehliyo taliyaha ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa tababarka usoo xiray saraakiishan oo laga soo xulay guutooyinka iyo qeybaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Saraakiishan ayaa muddo la barayay isticmaalka hubka culus oo Llagama maar-maan u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, xilli uu dalka ka socda howl-gallo lagu beegsanayo Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa xusay muhiimadda ay ciidanka xoogga dalka xiligaan u leedahay inuu helo saraakiil iyo saraakiil xigeeno maarayn kara hubka culus aqoon dheeraadana u leh.
Sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Dayax Cabdi Cabdulle oo munaasabadda xiritaanka ka hadlay ayaa saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaatay tababarka kula dardaarmay in laga sugayo ka mira-dhalinta dadaalka iyo waqtiga la geliyay ee ku aadan qaadashada tababarka muhiimka ah.