Saraakiisha Amaanka Putland Oo Soo Bandhigtay Qaraxyo Ay Howlgal Ku Qabteen

Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafadaha Magalada Boosaaso ayaa waxaa la sheegay inay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa oo la dhigay Goob ka mid ah Magalada Boosaaso.

Shir Jaraa’id oo uu Magalada Boosaaso ku qabteen Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Bari ayaa waxa ay ku faah faahiyeen howlgalkaas iyo waxyaabaha lagu soo qabtay,kaas oo la dhigay bartamaha Magalada Boosaaso.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys(Dhedo) oo shir Jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in qaraxa xalay la dhigay Soonaha Baxayo ee Magalada Boosaaso,halkaas oo Ciidamada Puntland ay fariisin ka dhigtaan xilliyada qaar dad Shacab ahna ay ku badan yihiin.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in Ciidamada Ammaanka ay ku guuleysteen inay fur fureen Miinada iyo qalab kale oo loogu talo galay in wax lagu qarxiyo sida uu hadalka u dhigay.

Dadka Magalada Boosaaso ayuu uga digay inay qaataan Bacaha waaweyn ee alaabta lagu qaado,waxaana uu sheegay in qof walba oo bac wata baaritaan lagu sameyn doono,waxaana uu u mahad celiyay Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland.