Saraakiisha ATMIS & Kuwa Federaalka oo ku ballamay adkeynta Amniga

Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka dhacay kulan gaar ah oo ay wadayeesheen Saraakiisha Ciidanka Federaalka iyo kuwa Howlgalka kumeel-gaarka ah Midowga Afrika ee ATMIS.

Saraakiishaan ayaa ku ballamay in ay kordhiyaan howlgallada lagu sugayo Amniga Magaalada Baladweyne, Deegaannada duleedka ka ah Magaaladaas iyo in laga shaqeeyo howlaha la xiriira dhinaca bani aadamnimada si loo gacan-qabto dadka dantayar.

Taliyaha Ciidanka ATMIS qaybta 4aad, Gaashaanle Sare Siciid Waaberi Haruur oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in doorkooda ay kasoo baxayaan loona baahan yahay in Ciidamada Qaranka dhankooda kasoo dhalaalaan kaalintooda.

Haruur ayaa intaas ku daray in Saraakiisha labada dhinac ay ku ballameen in howlgallo wadajir ah labadooda dhan ay wada fuliyaan iyo in si joogta ah Roondo uga sameeyaan Waddooyinka muhiimka ah si aanay u go’in isu socodka.

ATMIS ayaa dhowaan wareejisay Saldhigga Orxasan Magaalada Baladweyne waxaana si rasmi ah mas’uuliyadda Nabadgalyada & ka shaqaynta arrimaha bani aadamnimada ee ciidankaan Afrikaanka ah u qabanayeen Dadka u dhaw.