Saraakiisha Ciidamada xooga oo la dar daarmay ciidamada.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Datax Cabdi Cabdulle oo haatan ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa booqasho ku tegay Xerada Arbacow oo ku taalla duleedka Muqdisho.

Ujeedka safarka Dayax ayaa isugu jiray kormeer iyo dhiirogelin uu ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanbka Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.

Taliyaha ayaa amray ciidamada ku jira xeradaas inay tegaan furimaha hore ee dagaalka, ayna sare u qaadaan howlgallada ka socda gobolkada Shabeelaha Hoose.

Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa shalay sidaan oo kale u booqday deegaanka Dhanaane ee, iyagoo ciidamada qaranka ku amaanay sida ay ugu jilib dhigeen cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihi  cashirka loogu dhigay Al-Shabaab, waxayna saraakiisha iyo ciidanka  ku dhiirigeliyeen inay sii wadaan howlgalladooda.

Inta badan weerarada Al-Shabaab ayaa lagu beegsadaa xarumaha ciidamada, waxaana sidoo kale mararka qaarkood ay weeraradooda usoo gudbaan magaalada Muqdisho.