Saraakiisha Ciidamada Xooga Oo Sheegay In Dib Loogu Laaban Doono Deegaano Ay Al-Shabaab La Wareegeen

Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa Maanta gaaray Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Saraakiil ka socotay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Maamulka ayaa waxaa kala hogaaminayey Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Maxamed Maxamuud Macalin Koronto iyo guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax.

Taliye Koronto oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la xureyn doono dhammaan deegaannada Hir-shabeelle inta ka maqan gacanta Dowlada oo ay maamulaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale  Janeralka ayaa waxa uu sheegay in dib loogu laaban doono deegaanadii hore u soo faarujiyeen Ciidanka xoogga,isla markaana la sii wadi doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

        Â