Saraakiisha Ciidanka danab Oo Sheegay in howlgalo Ay ku qabten Xubin katirsan Alshabaab

Ciidamada kumaandooska ah ee Danab guutada 1-aad ayaa qaaddey weerar la sheegay in lagu soo qabtay xubbin sare oo ka tirsan Al-Shabaab agagaarka Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War-Saxaafadeed kasoo baxey Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu shegay in Ciidanka ay gacanta ku dhigeen Ibraahim Maxamed Rooble oo kamid ahaa Saraakiisha Sar sare ee Ururka Al-Shabaab.

Dullaanka ayaa DFS iyo maamulgobeleedyada u ah guul weyn oo u soo hoyatay dhamaan xoogagga amniga Soomaaliyeed.

Ciidan lugta ee ka socda Guutada 1-aad ayaa magaadalada galay amin habeen ah iyaga oo isticmaalaya hab isqarin ah oo ay ugu dhawaanayaan bartii loo socday, aasoo filanwaa kaga dhigtay Alshabaabkii isku dayey inuu baxsado. In guul laga gaaro hawlgal habeen dhaca waa waxa ugu adag ee uu ciidan sameeyo meel walba oo aduunka.

Guushan laga soo hoyey hawlgalkan ayaa na tusanaysa sida ay kor ugu kacday awoodda Guutada 1-aad ee Danab maadaama ay gudanayaan hawlgallo aad u culus sida kan oo kale ah ayaa lagu yiri”Qoraalka Dowladda.

Qabashada Ibraahim Maxamed Rooble , oo ahaa canshuur uruuriye iyo amniyaatka gobolka ayaa timi maalmo yar kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka gacanta ku dhigeen madaxa sirdoonka gobolka Xasan Suuley taasoo daba joogta markii ciidamada wadajira ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, AMISOM iyo UPDF ay xoreeyeen magaalada Jannaale ayaa lagu yiri”War kasoo baxey dowladda.

Ragga iyo dumarka aadka u tababaran ee ka tirsan Ciidanka Gaarka ah Danab, Xoogga Dalka, UPDF , AMISOM ayaa si aan nasasho lahayn usii dabagalaya Alshabaab oo had iyo jeer soo qaada weeraro ku cabsi galinayaan shacabka aan wax galabsan ee Soomaaliyeed ayaa lagu soo geba-gabeeyey War-Saxaafadeedka Dwladda.

Al-Shababa ayaa inta badan waxaa aysan ka hadlin warka kasoo baxa Dowladda Soomalaiya ee lagu sheega in Ciidamada Dowladda ay qabteen Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab,kadib howlgallo laga fuliyo meelo kamid ah Soomaaliya.