Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in ay burburiyeen saldhigyo Alshabaab

Gedo-GNNFM- Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in Ciidanka Xoogga ay howlgallo ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ka fuliyeen degaanno hoostaga Degmooyinka Gobolka Gedo gaar ahaan Baardheere.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgala ay ka sameeyeen degaanada kala ah Juungal, Cali Xareed iyo degaano kale, waxaana ay burburiyeen Saldhigyo Al-Shabaab ay halkaasi ku lahaayeen sida ay saraakiishu sheegeen.

Abaanduulaha Guutada 10-ad ee Ciidanka Xoogga ee Gobolka Gedo Cismaan Sheekh Cabdi Qorax ayaa sheegay in Al-Shabaab ay hub ka soo furteen.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliya ayaa koonfurta iyo Bartamaha dalka waxaay ka wadaan howlgallo Al-Shabaab looga saarayo degaannada ay halkaasi kaga sugan yihiin.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa warar soo baxay waxa ay sheegayeen xubno Shabaab ka tirsan oo Saraakiil ah in lagu arkay degaano iyo Degmooyin ka mid ah Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.