Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo Turkiga ka guddoomay Labis Ciidan

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guddoomay Dareeskan Ciidan oo Dowladda Turkigu ay ugu talagashey Ciidamada Cirka iyo Badda oo ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,waxaana ay ka guddoomeen saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradad Gaashaandhiga Dalkaasi Turkiga.

Dareeskan Dowladda Turkigu ay ugu deeqday Ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya ayaa isugu jiray dhar iyo kabaha buudka ah iyo agab kale oo labiska ciidamada laxiriira,kuwaasi oo qeyb ka ah dadaalada ay dowladda Turkigu ay ku taageerayso ciidanka Xoogga Dalka.

Munaasabad kooban oo dareeskaasi loogu wareejinayay Ciidanka Xooga Dalka ayaa ka dhacday Xerada Tababarka Jasiira,waxaana Taliyaasha Ciidamada Cirka iyo Badda Admiral Madey Nuurow Sheekh Ufurow iyo Maxamuud Sheekh Cali deble Baylood ay balanqaadeen in ay u maareyn doonaan sidii loogu talagalay.

“Maanta waxaan halkani ku guddoomaynaa dareeskan oo Dowlada Turkigu inoogu deeqday,mana-ahan markii ugu horeysay,waa markii labadaa oo deeq tan lamid ah ay inoo-keento Dowladda Turkiga,waxaan dhihi karnaa waa cusub ayaa inoo baryay,anagana waxaan balanqaadaynaa in aan u maareyno sidii loogu talagalay”.ayuu yiri taliyaha Ciidamada Cirka  Maxamuud Sheekh Cali deble Baylood

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga sida ay u garab taagantahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoo ku tilmaamay mid dhiiro-gelinaysa Ciidanka Xoogga Dalka.