Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo sheegay in howgalo ay sameeyeen ay kuburburiyeen saldhigyo AlShabaab

Gedo-GNNFM- Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in Ciidnka Xoogga ay howlgallo ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ka fuliyeen degaanno hoostaga Degmooyinka Gobolka Gedo.

Faarax Maxamed Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49-aad, Guutada 10-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Howlgaladan ay si gaar ah uga dhaceen degmooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo goobo kale oo Gobolka Gedo ka mid ah.

Wuxuu sheegay Taliye Faarax oo la hadlay warbaahinta Dowladda in Ciidamada ay burburiyeen Saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Juungal oo 30-KM u jira magaalada Baardheere.

Sidoo kale Faarax Maxamed Turbac ayaa sheegay inay howlgalladan iska kaashadeen Ciidamada Dowladda, kuwa Maamulka Jubbaland iyo AMISOM, ujeeddadooduna ay tahay sidii ammaanka loo xaqiijin lahaa, Shabaabna loola dagaalami lahaa.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliya ayaa koonfurta iyo Bartamaha dalka waxaay ka wadaan howlgallo Al-Sshabaab looga saarayo degaannada ay halkaasi kaga sugan yihiin.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa warar soo baxay waxa ay sheegayeen xubno Shabaab ka tirsan oo Saraakiil ah in lagu arkay degaano iyo Degmooyin ka mid ah Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.