Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamo Maraynkan ah ayaa deegaanka Araare oo u dhow degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Dhexe waxay ku dileen sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Jubboyinka.
Taliyaha Guutada 58-aad Ururka 11-aad, ee Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Dhaxe Cabdi Yare oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo kobay Aruuriyoow uu ku dhuumaalaysanayay deegaan ku dhow Araare.
Sarkaalkan Aruuriyow ayaa u qaabbilsanaa ururka Al-Shabaab inuu lacagaha iyo xoolaha si qasab ah ugu qaado shacabka ku dhaqan deegaannada Jubboyinka.
Sidoo kale Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobollada Jubbooyinka ayaa isla howl-galkaasi Al-shabaab uga furtay saanad Ciidan iyo Hub u badan Qoryaha fudud, sida ay sheegeen saraakiisha xoogga.
Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa maalmahan dambe ku goodinaayay inay qaadayaan guluf dagaal oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, si Shabaabka looga saaro deegaanada Jubbooyinka ay ka joogaan.